Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Sunday 12 October 2014 14:22

Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Nairobi (Keydmedia) - Calan waa Astaan ama Sumad Ummadi iska leedahay waxeyna kaabtaa Dadka iyo dhulka oo Seddexdaasi isku noqonaaya wadan gaar ah oo madax-banaan, Soomaaliya ayaa xubin buuxda mid ah Qaramada Aduunka ku bahoobay.

Teaser Image Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Calankeena Buluuga ah oo xaqiiqdii aragtidiisu Maanta Qofka Muwaadinka dhabta ah ee nazahan ayaa ku abuursaysa jidhiidhico murugo wadata iyo ciil.

Waxaa Aasaasay Calankakeena fikradiisana lahaa Ilaahay ha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan Taariikhdu markey aheyd 12/Oktobar 1954-Kii, waxaana laga dhex doortay dhowr astaamood oo maalinkaas la horgeeyay baarlamaankii kumeel gaadhka ahaa.

Wuxuu matalayaa guud ahaan Ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha qolo kasta iyo dal kasta Maanta ha hoostagaane, wuxuuna himiladiisu ahayd in uu meel iskugu keeno.

Waxaa xad-gudub balaadhan Calankeena ku sameeyay Kooxaha Dalkeena Hooyo rogaya, kuwaas oo u diidan Maanta inuu Calankan ka dul babado ciidii iyo geyigiisii iyagoo kuwii ugu danbeeyey ee “wadaad” ku sheegyaasha ahaana ku badaleen mid aan matalin dadka iyo dadlka ..... Kuwii ka horeeyayna hadalkoodaba daa !!

Waa Calan Amaan loo dhameeyay oo ilaahay ha u Naxariistee Abwaan Timo-cadde yidhi “Sankuneefle dhamaantii iyo khalqiga kii usinaayoow, Soomaaloo Calan taagta saakaa noogu horeysee, saq dhexaanu ahayne, kii soo saaray cadceedoow, sareeyoow ma nusqaamoow, aan siduu yahay eegnee , kana siib kana saar”.

Abwaan horena wuxuu yidhi “Haddaan gabayga uurkoo bukiyo arami kaa keenin, amaan olol jaceyl iyo xanuun kugu ijbaaraynin, afkuun baad la leedahaye tixihu arar ma yeeshaan, anigana dhibaatada lagu hayo wadankayga iyo calankayga ayaa iga keeney afar-tan gaaban oo aan kula xanuunsanayo calankayga cadibaada lagu hayo”.

Tixda Gabay ee Abwaan TIMACADE:

Sareeyoow calankaygoow,
sumadii wadankaygoow,
samada kii u ekaayoow,
Sanad Guuro wanaagsan.

Sareeyoow dabcigaagiyo,
axaad saaka ku toostiyo,
axaad soo martay oo dhan,
anba waan la socdaaye,
sanad guuro wanaagsan.

Sida aad tahay maantiyo,
noloshaada sirteedu,
ima seegana oo,
sanadihii u danbeeyay,
wixii aad ku sugnayd,
anba waan la socdaayo,
kaama seexdo habeene,
sanad guuro wanaagsan.

Sadrigaygiyo laabtiyo,
sanbabkayga dushiisuu,
iiga yaal sawirkaagoo,
samahaagiyo guuliyo,
inaad soo noqotoo,
samadaa ka hilaacdaan,
saatir kaaga baryaayo,
silic kuuma rajeeyee,
sanad guuro wanaagsan.

Cabdilaahi suldaan iyo,
sareeyoow ma nusqaamoow,
kana siib kana saar,
markaan soo yar xasuustaan,
saydhiyaa il-madaydoo,
naftu seexadka diidaye,
sanad guuro wanaagsan.

Seef laboodku dhammaan,
saxariirta aduunkiyo,
silic bay ku badeenoo,
calan aan sal lahayn,
inay soo sawirteenoo,
samadaa babiyeen,
adna ay salka hoosiyo,
sagxadaa ku dhigeen,
sareeyow maqlay taasnee,
sanad guur wanaagsan.

Si kaloon ku idhaahdo,
saaka kuu garan maayo,
saq-dhexaan ku jirnaayo,
saan-saantaan arkaayaayoo,
saadaashaadu ma fiicnee,
samirkaaga dugsoo,
salaantayda guddoonoo,
sanad guuro wanaagsan.

Sareeyoow adigoon,
aduunkoo dhan safaarad,
samadaa widhwidhaynoo,
magacaagu sarrayn,
saraakiil & ciidan,
salaan kuu fidinayn,
subaxdiina schoolka,
ubadkoo saf utaagan,
sacab kuu tumahayn,
aduunkaan silicaa,
allow yaanan sagootin,
saatirow rabiyow,
inta aanan socdaalin,
su,aashaadayda ajiib..

Keydmedia Online

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top