Mariam Hussein Mohamed
| Monday 20 February 2012Waan idin salaamnay Keydmedia waxaa tihiin website loobogay oo wax wayn u haya uummad soomaaliyeed waxaan idin rajynaynaa horumar nabadyo farxad joogtp ah hambalyo.waan ka xumahay bogan waxaan arkay maanta.
Xog-waranka xaalada dhabta ah ee xuquuqda aadamaha soomaliyeed waa xaalad cakiran marka loo fiiriyo Soomaaliya oo an lahayn maamul midaysan oo saab xiriiriyaleh uu udub dhexaad u yahay ka dambaynta sharciga.marka loo firiyo dagaalada abaabulan oo hadaysan saacad walba dhicin maalin kasta dhaca,anshax xumada lagula kaco haweenka,qaraxyo lala beegsado goobaha dadku isuguyimaadaan,qaxa,barkac,afduubyo loogaysto hawl wadeenada hayadaha samafalada caalamiga iyo kuwa maxaliga ah.caruur la askareeyo,xeebaha soomaalia oo ah qashin qubka lagu soo daadiyo haraaga warshdaha iyo sumaha khtarta ah, lacgo been abuur ah oo shacbiga looga badasho wax soosaarkooda dhabta ah, ku takri falka hantida qaran ee ku dhacda gacmo aan xisaab celin lahayn oo musuq maasuq gaamuray uu hareeyay, intaa iyo ina kaloo badan oo isbiirsaday ayeey soomaaliya ku sifawday meel masiibada xuquuda aadamu haraysay.xuquuqda aadamigu waa damaanaqaad u saamaxaya dadku in ay noolaadaan ooy waliba sharaf iyo
karaamo ku noolaadaan.damaanaqaadku waa mid waajib ku noqonaya dawladaha saxiixay qarar kan caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga ee laysla wada aqoonsady, december/10/ 1948, kaasoo un-ku dajiyeen oo noqday document dhamaystiran oo dawladuhu saxiieen.Somaaliya waxay saxiixday july 1960.kaasoo malintii la saxaiixay khaanadii la galiyay aan ebed lagasoobixin.Somaliya waa halka uu kadhaco xaad gudubyada damiiriga ah ee X.A.