Dr. Max'ed Nuur Sheegow
| Thursday 2 December 2010waxaan ka rabaa Baaqa Caalamiga Ee Xuquuqda Caruurta Iyo Haweenka
KEYDMEDIAHuman rights in Somalia.
waxaan ka rabaa Baaqa Caalamiga Ee Xuquuqda Caruurta Iyo Haweenka
waxaan layaabanahay xasuuqa kajira magaalada muqdisho oo ay geysanaayaan ciidamada AU da ee magaalada muqdisho ay habeen iyo maalin kasta ay ay xaafadaha iyo suuqyada madaafiicda ugu ridaayaan, waxaana la ogaaday dadka ku dhinta ama kudhaawacma boqolkiiba 80 in ay ku wax yeeloobaan madfac ay rideen ciidamada AU da marka maxay uga hadli la yihiin human right ku arintaas baatisna ugu sameyn waayeen arintaas
Ma shalay bay saxnaayeen mise Maanta?
aqristow xilligii maxkamadaha haddii aad dib xusuus gaaban ugu noqoto
waxaa markiiba maskaxdaadu soo qadimaysaa bilo aan lix ka badnayn
oo ka qaalisanayd hal Qarni ama ka badan. dareenka dadkana waxaa ka
muuqatay inay u jibaysnaayeen waxaa aysan filayn ee sida lama filaanka
ah uu ilaah ugu galadaystay, noloshaa iyo rajadii soo noqotay waxay ka
dagi waysay dalal badan oo caalamka daafihiisa ku yaalla kuwaasoo markiiba bilaabay inay ka fariistaan oo ay ka fekeraan sidii loo baabi´in lahaa looguna bixin lahaa ilayskaa ka soo muuqday Soomaaliya magac qaldan oo caalamka inta Soomaaliya jecel inay dib ugu soo noqoto maqaamkeedii loogu qancin lahaa inay halkaa qatar weyn ka soo socoto. markiiba maraykanka iyo Itoobiya way bilaabeen inay fara gelin toos ah sameeyaan, Itoobiyaankuna waxay Soomaaliya u soo direen ciidan aad u xoogan oo wixii ay mudisho ka geysteen aan cidina maanta looga sheekaynayn. aqristow haddaba waxaa bilowday kacdoon ka xoogan
kii markii hore looga soo hor jeeday dagaal oogayaashii. oo waxaa is
bahaystay wadaad iyo wadani kuwaasoo ka dhiidhiyay Gumaystaha ma quustaha ah ee soo galay waddanka, haddaba maamulkii maxkamadaha
waxay ay bilaabeen inay shacabka kiciyaan oo ay ku dhiiri geliyaan
in laga hor tago Itoobiyaanka oo lala dagaalamo taas oo aan xusuusano
in la furay magaalada Muqdisho goobo dadka lagu qoraayay.
aan soo koo koobo hadalka dulucdana ku taabsiiyo dagaal baa lala galay
itoobiya, dagaal qori iyo mid dublamaasi ah oo caalamka lagaga tir tirayay sawirkii qaldanaaa ee uu cadawga hor dhigay caalamka.
Itoobiya wixii ay ka samayn kartay Soomaaliya way ka samaysay xabaalo dadka loogu aasay kooxo kooxo waatii Baydhaba laga soo faagay
xarkihii ay dadka ku daldali jireen warshadda Baastada soomaali oo dhan baa indhahooda ku soo aragtay muqdisho oo xasuuq magan u ahayd maalin walba waa waxaan quluubteena ka tirmi doonin. madaafiicda aan loo meel dayin ee ahayd wax uun ha ku dhinteen soomaali sow maaha
iyo in uu shacabku tirib tirib u dhamaado maalin kasta waxay ka mid ahayd nolol maalmeedka shacabkii joogay magaalooyinkii cadawgu joogay ee kari waayay inay isaga cararaan. ugu danbayn Itoobiya waxaa la yiri
way la baxday ciidamadeeda waxaana yimid shariifyadii shalay ka mid ahaa ragii shalay la dagaalamay itoobiyaanka. waxaa qof kasta oo Soomaaliya uu marqaati ka yahay inaysan Itoobiyaanka aysan maalin qura ka bixin ciida Soomaalida. taasoo jirta ayaa haddana waxaa maalmahaan soo muuqanaya in shariifyada talo iyo ciidanba uga baahan yihiin Itoobiya. marka waxaa iga su´aal ah aqristow Shariifyada ma
shalay bay sax ahaayeen mise maanta mise marna wax sax ah kumaba fakaraynin?
Waxaan aaminsanahay in xalku ku juro in qolyaha maxkamadaha garbka jubuuti ku wareejiyaan hogaanka muuse suudi qanyare salaad ali jeele bashiir raage iyo c/di qeeybdiid iyo amisom si ey u muquuniyaan kooxaha wato indha shareerka iyo jalaabiibka laga kenay bakistaan iyo tora.boro caadeystayna daadinta dhiiga umada somaliyed si xoog looga saro dalka dibna loogu celyo dalalkii ey ka yimaaden iyaga iyo inta calooshood u shaqeysta yaal ah ow an aqonin dantooda iyo tan walalahooda somaliyed wabilaahi towfiiq
Walaal sifiican ayaa analys uga bixisay waxii dalka soo maray iyo waxa dadka soomaaliyeed lagudboon. Dhibka waxa uu kataaganyahay waxa weeye walaalkey 40 sano ee lasoo dhaafay way iska yaraayeen dadka u dooda in dalka uu dimokriya u baahanyahay. Waxay gurubyadii siyaasada ku mashquulsanayee in ay dalka qori caradii ku qabsadaan. Dhaqankaas foosha xuun waxaa laga dhaxlay askartii dalka afganbisay.“Hal xaaran ah nirig halaal ah ma dhasho” bay dadkeeno dhahaan.Inta qori iyo xoog maroqsi laga daba ordahayo jiil xalaal ah dalkeena uma dhalanahayo.AL-SHaabab iyo waxa lamidka ah baa taas u marqaatiya. Hadii jilkii hore xiligii askarta nafta u huri lahaayeen in dalka dimokrati lagu sooceliyo halka ay ku ordahayeen qori iyo dagaal, manta xalka sidaan ma ahaan lahayn. Dhibka ay kala kulmaan askartii wuu ka yaraan lahaa dhibka maanta somali oo dhan ku habsadey 20kaan sano.
waxay ila tahay hada in xaalku ku jiro in aan badino dooda ku saabsan dimokratiyada si jiilka danbe aysan qori wax ogu raadin. way iska cadahay in dhib lagala kulmahayo raadinta dimokratiyada, waliba dhib kadaran dhibkii laga la kulmilahaa askartii mar dalka xukumi jirtay. waxaa layiri “waxaa dib u dhigatid baas keedey leedahay”. Dadkii qaangarka ahaa xiligii askarta baa fudeyd iyo fulaynimo darteed dib u dhigay doodii iyo halganka dimokratinimo. Somaliyana wax xun bay ka dhaxashay arintaa. Maanta dadkeena qaangarka ah bay u taalaa in ay dodaas iyo halgankas dhabarka u ritaan. Hadiikale somalia iyo somaalidaba 50ka sano ee soo socda xaalkeeda in uu ka siidoro mooyee kama soo raynayo.
Aad baa ugo mahadsantahay analyskaaga safeexaa iyo dooda garashada ku dhisan.
Walaalkaa ka helay qoraalkaaga:
waxaan talo ku soo jeedinyaa in dadka soomaaliyeed lagadaayo dhibka iyo tafaraaruqa 20sano iyo waxkabadanba waaladhibaayay dadka waawadadhashay waana is dhalay waana wada dagaa wax dhibna lamaqabin ee siyaasada foolxumada badan ee qofkata uu siyaasi yahay waxba tarimeeyso ee halaceensho dadka iyo dalka iyo diintaba hadii kale waa laga shalaayindoonaa tankale waxaan aheen dad muslin ah ee maxaa keenad kalatakoorka maanta ah waxaas waa oor kicis ee dadoow ila wada arka dhibka taaga maantay waxaana hada lagu ugaartaa waxaan jirin oo kursi raadis ah ee halawada hadlo oo ilaaheey haloolaabto qof kasta waxaa sugaayo qabri yar oo waxa uu kalakulmaayo uusan ogeen ee kabaqa ilaaheeygii ina uuntay oo unaxa dadaka masaakiinta ha waa inta dhibka wadoow qaata rayiga fiican una laabta ilaaheey hanoqdaan shabaab iyo xisbi islaam iyo doowdalda intaas ayaan ku soo gabagabeeynayaa aragtidii aan qabay wabilaahi toowfiiq
Xuquuqda aadamiga, kalmadaasi markay dhegahaaga ku soo dhacdo
waxay markiiba qaybta xusuusta keydisa ee Maskaxdaadu kuu soo gudbinaysaa qaladaad iyo ku tumasho xuquuq dadyow kala duwan iyo deegaanadooda,balse aqristow kalmadda xuquuqda aadanaha waa kalmad xambaarsan macna weyn oo ay saldhigeeda tahay dhowrista xuquuqda iyo sharafka aadanaha. marka laga hadlaayo xuquuqda aadanaha waxa ku galaysa rajo aad u quurux badan, saadaashuna kheyr iyo horumar baa
muuqanaysa. beryo markay dadku rajo mala´awaal ah dhex dabaashaanna waxaa kuu soo muuqanaysa in waxa la sugayaaba aysan soo socon,maaweelo iyo maalmo ha lagu samirsiiyo uun ay arrintu iska ahayd
arrintuna ay ku dhamaato “dhedo roob noqon waysay” aqristow ugu danbyntii ma dadka ayaan weli isla fahmin waxa ay tahay xuquuqda aadanaha? mise maslaxadaha gaarka ah ayaa ka muhiimsan in la dhowro xuquuq dad ama qaran?.