Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 22 March 2012 10:26

28 Soomaali ah oo lagu gubay xadka Sudan & Libya

Nairobi (Keydmedia) - Warar naxdin leh oo naga soo gaaray xadka u dhaxeeya Sudan iyo Libya ayaa sheegaya in halkaasi lagu GUBAY 28 Muhaajiriin Soomaali ah.

Teaser Image 28 Soomaali ah oo lagu gubay xadka Sudan & Libya

Soomaalidaan oo saarnaa Baabuur oo isugu jirtay Haween, Caruur iyo rag ayaa doonayeen in si dhuumaaleysi ah ku galaan Xadka Dalka Liibiya.

Sida ay Wararku sheegayaan Gaariga oo ka yimid Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan, ayaa waxaa gubay maleeshiyo Liibiyaan ah oo ilaaliya Xadka Sudan iyo Libya.

Kooxaha gubay ayaa aad u neceb Dadka soo galowga African-ka ah, iyada oo rumeysan in ay taageerayaal u yihiin hogaamiyihi hore Coll. Gaddafi.

Dadka Soomaalida ah ayaa si indha la,aan ah u maro meelaha Qatarta ah sida saxaraha Libya iyo Sudan, iyaga oo doonaya in si sharci daro ah ay ku galaan Libya kadibna si sharci daro ah uga sii gudbaan Talyaaniga oo ay u maraan doonyo macmal ah oo qatar ah.

Sandkii 2011 ayaa la sheegay in ilaa 28.000 ey ku dhinteen Xuduudka Liibiya iyo Suudaan, waxaana la qiyaasay in 5.400 ay Soomaali ahaayeen.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top