300 Soomaali oo lagu qab-qabtay islii
Nairobi (KON) - Kadib Qaraxii Jimcihi ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa Howlgal ballaaran sameeyeen Ciidamda Booliska Dalka Kenya, kuna soo qab qabten in ka badan 300 oo Soomaali ah.
Soomaalidaan oo laga soo qabqabtay Xaafadda Islii ayaa lala xiriirinayo Qaraxii Jimcihi ka dhacay Maasaajidka Al-Hidaaya.
Gudoomiyaha Booliska Caasimada Kenya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dadkaan lasoo qabqabtay badankoodu la hayn waraaqaha Aqoonisgia ee dalka Kenya sidaas dareedeed loo qabtay.
Moses Ombati ayaa sheegay in Booliska Kenya ey wali wadaan bariitaanka.
Ilaa iyo hada Shan Qof ayaa ku dhimatay Qaraxaas, in ka badan 30 ruuxna way ku dhaawacmeen oo uu ku jiro xilidhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kaamukunji.
Dadka dhaawacmay ayaa u badan Soomaali maadaama Masjidka oo ku dhex yaalla xaafada Islii, waana Masjid ay Soomaali kusoo tukadaan.
Nin u eg Dadkaan loo yaqaano "Jookarada" ayaa Qaraxa kahor lagu arkay Agagaarka Masjidka, waxaana taasi Xaqiijiyeen 3 Qof oo Masjidka Albaabkiisa taagnaayeen.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.