7 lagu dilay weerar masaajid
Nairobi (KON) - Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Libooye ee ku yaala Xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay meeshaasi ku dileem 7 Qof oo ku tukanayay masaajid.
Weerarkaan ayaa Saakay Waqtiga Salaada Subax ka dhacay deegaanka Malele oo ku dhowaad 25 km u jira xeryaha qaxootiga Dadaab.
Dad goob-joogayaal ah ayaa booliska Kenya u sheegay inay weerarka gaysteen siddeed nin oo ku hubaysnaa qoryaha AK47.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Shan Nin lagu dilay Gudaha Masaajidka, meesha Labo dumar ah lagu dilay dibadda Masaajidka.
Weli lama garanayo sababta ka dambeysa weerarka iyo haddii uu xiriir la leeyahay argagaxisannimo ama aano-qabiil.
Dilka kaddib, raggii weerarka geystay waxay gubeen guryo ka ag dhowaa masaajidka ka hor intaaney ka baxsan goobta.
Gobolka waqooyi bari Kenya ee ay Soomaalidu dagto waxaa ka dhacay weerarradii ugu badnaa ee la xiriira argagaxisannimo.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Share this page
More News
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.