Aadan Madoobe “Beel gaar ah ayaa wadata Dhismaha maamul u sameynta Jubooyinka”
Kismaayo (KON) - Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa ka digay in maamul aan laga tala gelin dadka deegaanka loo sameeyo deegaanada Jubooyinka.

Aadan Madoobe ayaa sheegay beel gaar ah ay wadato Maamul u samaynta Jubbooyinka, wuxuuna dhaliilay Maamulka KMG ee Axmed Madoobe.
“Waxaan Nairobi kula soo kulanay qolooyinka ku howlan maamul u sameynta Jubooyinka, waxaa kula talinay in aan lagu fududaan dhismaha maamulkaas oo aan lagu deg degin” Ayuu yiri Aadan Madoobe.
Goob Joogayaal Ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha,Dekedda iyo Baro Kontorol ay Ciidamada Kenya ku wareejiyeen Askar ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si Kastaba Dhawaan ayaa la filayaa in Magaalada Kismaayo lagu qabto Shirka Maamul u Sameynta Gobolada jubbooyinka iyadoona hore loo Iclaaniyay in Maalinta ay Bishani tahay 23ka in Shirku si rasmi ah u furmi doono hadaanay soo bixin arrimo kale oo sababa in dib loo dhigo.
Keydmedia Online (KON) - Xafiiska Kismaayo
Share this page
More News
- DAWLAD GOBOLEEDKI GUULDAREYSTAY!
- Ximan & Xeeb oo Ciidankeeda ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomalaiya
- Baarlamanka Somalia oo kulan Xasaasi ah ku leh Golaha Shacabka, Caasimada Muqdisho
- Warbixin: Arday Indha La’ oo dalbanaya Waxbarshada Dugsiga Sare & Jaamacadda
- Dagaal ka dhacay Degmada Afgooye & Sarkaal kamid ah Nabad Sugida oo la dilay
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.