Abwaan Xasan Jaceyl oo Geeriyooday
Nairobi (Keydmedia) . Allah u naxariistee Abwaan Xasan jaceyl oo kamid ahaa Abwaannada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaanno dalka ayaa saqdii dhexe xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaaalla magaalada Nairobi isagoo muddo Labo sano ah xanuunsanayay waxaana hayay Cudurka Sokorowga.
Abwaan Xasan jaceyl ayaa sidoo kale kasoo shaqeeyay warbaahintii Horn Afrik oo ay horay u bililiqeysteen Agabkeedii Kooxda Shabaab.
Abwaanka ayaa lagu aasayaa isla maanta magaalada Nairobi iyadoo fannaaniinta Soomaalida iyo Abwaannadaba ay aad ugu tacsiyeeyeen Ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday abwaanka.
Abwaan Xasan jaceyl ayaa horay usoo saaray ama u sameeyay Ruwaayado kala duwan iyo Heeso aad ay u jecleesteen Bulshada waxaana geeridiisa ka naxay Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Fannaaniinta iyo Saxafiyiinta Soomaalida.
Marxuumka ayaa mudadii labada sano ee uu xanuunsanayay waxaa laga gooyay Lug kamid ah lugihiisa kadib markii ay ku faaftay dhaawac kasoo gaaray xabad kula dhacday caasimadda,waxa uuna ifka kaga tagay caruur iyo xaasas.
Abwaanka Allah u naxariistee waxa uu ahaa nin aad u qiimo badan oo si weyn u jeclaa Soomaalinimada iyo Midnimada.
Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi
Share this page
More News
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
- Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Deegaanada Al-Shabaab ay Maamulaan
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.