Afar ka tirsan Maleeshiyaadka Gaandi oo lagu dilay Deegaanka Diif ee G/Jubbada Hoose
Kismaayo (Keydmedia) - Ilaa Afar nin oo ka tirsan Maleeshiyaadka dagaal-ooge Gaandi uu ku soo tababartay gudaha Dalka Kenya ayaa xalay Meydadkooda laga helay tuulo u dhow deegaanka Diif ee gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona raggaasi cida dishay ilaa hada aan la Aqoonin.
Meydadka nimankaan waxaa jirkooda ka muuqday rasaas aad u tiro badan oo lala dhacay, waxaana markii cid ugu war dambeysay raggani la sheegay inay la socdeen Gaari Cabdi-bille ah oo ay saarnaayeen ciidamo kale kuwaasoo qaar kamid ah baxsadkoodu uu gaaray deegaanka Diif ee gobbolka Jubbada Hoose.
Qaar ka tirsan Saraakiisha Gaanid oo la hadlay Keydmedia waxaa ay sheegeen in cida ragani dishay ay ugu shaki qabaan Maleeshiyaadka Shabaab Al-qaacida oo uu dagaal kala dhaxeeyo.
Duleedka deegaanka Diif ee gobbolka Jubbada Hoose waxaa ku suggan oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab Al-qaacida, kuwaasoo looga shakisanyahay inay ragaan laayeen.
Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo
More News
- Kooxda Shabaab oo Duqeyn ku Bur buriyay Ceelkii Biyaha ee Garbahaareey
- Somali ku dhibaataysan Xabsiyo ku yaalla dalka Ukraine
- Suuqa Ganacsiga magaalada Gaalkacyo oo xiran
- Horjoogiyaal Al Shabaab ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Galgaduud
- Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.