Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 19 March 2012 19:09

Breaking News: Al-Amriki oo la xiray!

Nairobi (Keydmedia) - Kooxda Al Shabaab ayaa xabsi dhigtay Abuu Mansur Alamriki Kadib markii uu dhawaan Youtube soo dhigay Video uu kaga cabanayo cabsi soo foodsaartay islamrkaasna ah in ay Rag ka tirsan Kooxda qaacidada Soomaaliya doonayaan inay si gaadmo ah u dilaan.

Teaser Image Breaking News: Al-Amriki oo la xiray!

Xog ey heshay Keydmedia & Somaliareport ayaa sheegaya in kooxo ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Hoyga uu ka degenaa degmada Marka, kadibnah xabsi ku yaala magaalada Qoryooley la geeyay.

Cumar Xamam oo loo yaqaano Abu Mansour Al-Amriki oo ay iska dhaleen Aabo Syrian ah iyo Hooyo Maraykan ah, ayaa la sheegay in loogu tagay isagoo la jooga Xaaskiisa iyo Caruurtiisa magaalada Marko ee gobalka Sh/hoose halkaasna laga soo jeebeebyay

Ilo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in lagu xiray xabsi weyn oo ku yaala magaalada Qoryooley ee gobalka Sh/hoose, halkasoo la sheegay in xabsigaasi ay maamulaan Maleeshiyaadka Shabaab, koley eysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Al shabab oo ku aadan arintaan

Abuu Mansuur Al Amrki ayaa dhowaan Video uu iska duubay waxaa uu ku baahiyay barta Youtube-ka kaas oo uu ku sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Al shabab uuna ka baqaayo in la dilo, iyaguna sheegeen inuu bad iyo barwaaqo qabo.

Xog kale oo aan helnay ayaa wax ay sheegeysaa in looga Shaki Qabo Abuu Mansuur Al-imriiki inuu kamid ahaa (ama kamid yahay) Ciidamada Sirdoonka Mareykanka taasina ay keentay in uu beegsado Ibraahim Afgaan maadaama lagu arkayay isagoo Mobillo kale kula hadlaaya dad Ajaaniib ah.

Al-Amriiki waxa uu kamid yahay Ajaaniib farabadan oo si Sharci darro ah kusoo gashay Wadanka islamarkaasna si toos ah uga qeybqaadatay banneysashada Dhiigga Islaamka iyo sidoo kale boobka loo geyso hantida ay leeyihiin Dadka Soomaaliyeed.


Aqriso Xogta Keydmedia ee ka heshay Al-Amriki


Keydmedia.net - Xafiisyada Nairobi / London

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top