Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 21 February 2012 11:32

Al Qaacida-Shabab Oo Weeraray Boliiska Kenya

Moqadishu (Keydmedia) - Kooxda Al Qaacida-Shabaab ayaa fiidnimadii xalay weerar kedis ah ku qaadau rug baaris oo oo Boliis oo ku yaal duleedka Magaalada Garrisa ee Woqooyi Bari Kenya, sidaana waxa Saxaafada u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Booliska Dalkaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Kooxdani ka tirsan Shabaabka ayaa weerarka ay ku qaadeen rug Baariseed oo Boliska Kenya ku leeyihiin degaanka faafi,waxa ay ku dileen mid ka mid askartii halkaa ku sugneyd, iyagoo dhaawaceen mid kale.

Kooxdani dableyda ah oo la sheegay iney ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ayaa saldhiga ka qaatay tiro qoryaha fudud ah oo ay dib ugula noqdeen gudaha Soomaaliya, sida saxaafada uu u sheegay sarkaal ka gaabsaday in magaciisa la xuso.

Madaxa Boliska ee degaankaas Leo Nyongesa ayaa saxaafada u xaqiijiyay in weerarkaasi uu jiro,waxaanu sheegay in aan ilaa iyo haatan cidna loo qaban weerarka.

Shabaabka ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaadayay guddaha Kenya intii ka danbeysay faro gelinitii ciidan ee ay ku sameeyeen dhulka Shabaabku ka arimiyo.

Moqadishu Keydmedia. net

 

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top