Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 15 April 2011 13:17

Alshabaab oo baydhabo ku xirtay saraakiil ka tirsan ICRC

NAIROBI(KEYDMEDIA)Ciidamada Alshabaab ee qaabilsan qaarijinta dadka ayaa saakay waxa ay gacanta ku dhigeen laba sarkaal oo ka tirsan Hey’adda ICRC ee ka howl gasha gobalada Bay iyo Bakool.

Teaser Image Alshabaab oo baydhabo ku xirtay saraakiil ka tirsan ICRC

Saraakiisha ICRC ee ay shabaab xireen ayaa magacooda lagu kala sheegay Max’ed sagaareey iyo C.qaadir Dafiyaa, waxaana saraakiishan oo u dhalatay deegaanka la xaqiijiyey in ay ula dhaqaaqeen dhalinyarada shabaab ka tirsan goob aan la aqoon.

Raggan ICRC ka tirsan ee la xiray ayaa waxay mudooyinkan danbe wadeen howlo ay ku gar gaarayaan dadka rayidka ah ee ku dhibaateysan deegaankaasi, waxaana la rumeysan yahay in falkaasi uu ka danbeeyay kadib markii hey’adda ICRC ay ka madax adeegtay bixinta qarashaad ay doonayeen shabaabka deegaankaasi.

Sarkaalka ka tirsan ICRC oo codsaday inaan magaciisa warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin xaalada raggaasi, waxaana sarkaalkaas oo la hadlay keydmedia uu sheegay in ragga qaraajinta qaabilsan ee shabaab ka tirsan uu yahay go’aankooda mid gaar ah isla markaana aan lagala tashan maamulada kale ee shabaab.

WWW.KEYDMEDIA.NET

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top