Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 22 February 2012 23:39

Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay

New York (Keydmedia) - Golaga Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ogolaaday maantay in la kordhiyo tirada Ciidamada lagu sheega iney Nabada Ilaaliyaan ee Midowga Africa Amisom lana siiyo awood dheeraad ah.

Kulan ay ku yeesheen Magaalada New York ayey ku ansixiyeen in laga dhigo Ciidamada AMISOM 17,700 oo askari, halka ay awal ka ahaayeen 12,000, waxaana tani ay suura gelineysaa in ay badato deegaanada ay ka joogaan dalka ciidanka AMISOM isla markaana ay badiyaan dagaalada ka dhanka ah Al Qaacidada Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidamadda AMISOM ayaa loo fasaxay innay Weerari karaan Degaan walba oo ka mid ah Dalka Soomaaliya, iyagoo la Dagaalamaya Al-Shabaab, sida lagu Sheegay go'aan Caawa ka soo baxay Qaramadda Midoobay.

Ciidamadda AMISOM ayaa loogu baaqay innay ilaaliyaan Dambiyadda ayna u Hogaansamaan Shruucda Caalamiga ah.

Ugu dambeyntii Go'aanka ka soo baxay Qaramadda Midoobay ayaa lagu Codsaday in Soomaaliya loo diray Dad Sahamiya halka la dejinayo Ciidamadda dheeraadka ah.

Keydmedia.net - Xafiiska North America

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top