Arinta Jubbooyinka & Shirka… - Warbixin
Kismaayo (KON) - Sida Keydmedia Online ay horay usoo qortay, Magaalada Kismaayo ayaa Maalmahaan u sii qul qulayeen Ergooyin kala duwan kuwaasoo lagu soo waramayo in ay ka qayb galayaan Shirka maamul u Sameynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.
Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD, Beesha caalamka iyo Kenya ayaa soo gaaray Magaalada Kismaayo si ay uga qeygalaan Shirka.
Dadka Degaanka ayaa siyaalo kala duwan ugu hadlaya shirka la filayo in dhawaan uu ka qabsoomo iyadoo inta badana ay dadku si aad ah u hadal hayaan isla markaana ay soo dhaweynayaan maamul u sameynta Goboladaas.
Sidoo kale Maamulka Gobolka Gedo ayaa Shalay shaaciyay inay ka qeybgali doonin Shirka Kismaayo.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Shirkaasi aaney wax dan ah ugu Jirin Bulshada ku dhaqan Gobollada Jubbooyinka kaasi oo ay wataan Shaqsiyaad ay dowladda Kenya gadaal ka riixeyso isagoo uga digay in ay Joojiyaan Shirarka ay ka wadaan Magaalada Kismaayo ee Xaruna Gobolka Jubada Hooose.
Xaaladda ammaanka ee Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo Ciidamadu ay ilaalinayaan Goobta lagu wado inuu shirku ka dhaco iyo waddooyinka goobtaas soo gala intaba.
Dhinaca Kale Ciidamada Kenya ee Ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Billaabay in Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan sida la sheegay tababar ku soo qaatay dalka Kenya si tar tiib tar tiib ah ay ugu wareejinayaan saldhigyo Ciidan oo ay ku lahaayeen Magaaladaasi.
Goob Joogayaal Ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha,Dekedda iyo Baro Kontorol ay Ciidamada Kenya ku wareejiyeen Askar ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si Kastaba Dhawaan ayaa la filayaa in Magaalada Kismaayo lagu qabto Shirka Maamul u Sameynta Gobolada jubbooyinka iyadoona hore loo Iclaaniyay in Maalinta ay Bishani tahay 23ka in Shirku si rasmi ah u furmi doono hadaanay soo bixin arrimo kale oo sababa in dib loo dhigo.
Keydmedia Online (KON) - Xafiiska Kismaayo
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.