Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Friday 19 June 2015 10:09

Axmed Madoobe oo Saraakiil kamid ah Militariga DF Somalia kasoo eryay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inuu Kismaayo kasoo saarey Dhowr Sarkaal oo kamid ah Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Teaser Image Axmed Madoobe oo Saraakiil kamid ah Militariga DF Somalia kasoo eryay Kismaayo

C/rashiid Maclin Gaas oo kamid ah Ciidanka Dowladda ee ku sugan Duleedka Kismaayo ayaa xaqiijiyay in Amed Madoobe kuso musaafuriyay Kismaayo 5 Sarkaal oo Militariga DFS katirsanaa, kuwaasi oo uu sheegay in Muqdisho loo duuliyay.

Saraakiishan ayaa markii hore waxay kamid ahaayeen Ciidankii Col Barre Hiiraale, oo dhawaan Dowladda ku xareysay Xerada Ma-dhamaato oo Duleedka Kismaayo ku taalla, si iyaga iyo Maleeshiyadaa Axmed Madoobe looga dhigo Ciidan Qaran oo hal astaan iyo Hal hogaan leh.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay inuu Xariirka u jaray Dowladda Dhexe, kadib markii Baarlamaanka Federaalka ah kala direen Baarlamaan lagu dhisay Kismaayo oo Shacabka Jubbooyinka & Gedo kasoo horjeesteen Dhismihiisa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top