Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 3 January 2014 08:04

Axmed Madoobe: Hala laayo Culumada iyo Odayaasha Isi soo diwaan galin!

Kismaayo (KON) - Horjoogaha Maleeshiyaadka Raas-kambooni ayaa ku Amray Culumada iyo Waxgaradka kunool Magaalada Kismaayo in ay si Ded-Deg ah ay isku soo Diiwaan galiyaan.

Teaser Image Axmed Madoobe: Hala laayo Culumada iyo Odayaasha Isi soo diwaan galin!

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Falalka Amaan daro ee ka dhacaya Magaalada Kismaayo ay qeyb ka qaataan Culumada iyo Indheer garadka ku sugan Magaalada Kismaayo.

Madoobe oo u handadayo Culumada iyo Indheergaradka ayaa sheegay in Cidii aan si dhaqso ah aan isku diiwaan galin Tilaabo ku haboon laga qaadi doono arintaasa ay go’aan ku gaareen.

Warka ayaa intaa ku daraya in Amarkaan uu soo baxay kadib markii Horjoogeyaasha Kooxda Raas-kambooni uu Axmed Madoobe la shiray kuna amray in la laayo Culumada iyo waxgaradka hadii aysan qaadan Amarka Maamulkiisa.

Dhanka kale Culumada iyo iyo Odayaasha ku nool Magaalada Kismaayo ayaa walaac ka muujiyey hadalka ka soo yeeray Horjoogaha Maleeshiyadka Raas-kambooni ee ku aadan in la ugaarsado Dadka Bulshada Muhiimka u ah.

Waxaana ay arintaan qeyb ka tahay Caburunta uu Axmed Madoobe ku hayo Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo iyo inta ka soo horjeeda Fakarkiisa.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top