Baabuur u kiraysan WFP oo Galkacyo lagu afduubtay
GAALKACYO (Keydmedia) - Wararka laga helayo Deegaano hoostaga Maamulka Galmudug ee Koonfurta Galkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadiid Raashiin Gargaar ah u siday Hay'adda WFP ay leexsadeen Maleeshiyaad aan la garaneyn.
Qaar ka tirsan dadka ku nool magaalada Galkacyo ayaa Keydmedia sheegay in Gaadiidka la Afduubtay oo gaaraya 2 Baabuur oo nooca Xamuulka qaada in ay ku wajahnaayeen Koofurta magaalada Gaalkacyo oo Xaruunta u ah Maamulka Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka Galmudug Abshid Diini Cawaale oo ka hadlay arintaasi ayaa waxa uu sheegay in ay jirto in Gaadiid WFP ay leexsadeen Maleeshiyaad,balse waxa uu sheegay in ay ku raadjoogaa Kooxahaasi oo uu sheegay in ay Gacanta kusoo dhigi doonaan dhowaan.
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka leexsaday Gaadiidka WFP in ay ka cabanayaan in Raashinkaan Gargaarka ah lagu xaraynayo Bakhaarada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo oo aan la siinayn dadka Masaakiinta ah ee loogu tala galay.
Keydmedia.net -Xafiiska, Gaalkacyo
Share this page
More News
- Maamulka G/Banaadir la kulmay Hay’adaha Mashaariicda ka wada Muqdisho
- Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya caalamka oo dalka leesugu keenayo
- Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay Shabeelaha Dhexe
- Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada
- C/rixmaan Xoosh Jabriil: Wax Jubbaland la yiraa oo aan aqoonsanay majiraan
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.