Baardheere oo la badalay xiliyadii Salaada
Wararka laga helayo Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in maamulka halkaasi ka taliya uu maanta ku dhawaaqay in isbadal lagu sameeyay xiliyada Salaada laga tukan jiray Degmadaasi.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay maamulkaasi ayaa lagu faray Imaamyada iyo mu'adinada Masaajida in ay ogaadaan Salaadaha xiligooda in la badalay marka laga reebo Salaaada Maqrib oo xiligeedii la tukan doono.
Waxaa lagu sheegay hadalka Qoraalka ah in Salaada Duhur oo inta badan Geyiga Soomaaliya laga tukan jiray 12:40-12:50 ayaa waxa ay amar ku bixiyay Maamulka in la tukan karo 1-da duhurnimo, sidoo kale Salaada Casir oo iyana 3:30-ka aheyd ayaa iyana la sheegay in 4:00 uu noqon doono xiligeeda.
Isbadalkan ay ku sameeyeen Maamulkaasi xiliyada salaada ayaa waxaan jirin wax daliil Diini ah oo ay u adeegsadeen iyadoona dhanka kale ay xusid mudantahay xiligan in aanu jirin isbadal dhanka cimilada oo ka jira Dalka.
www.keydmedia.net
More News
- Kooxda Shabaab oo Duqeyn ku Bur buriyay Ceelkii Biyaha ee Garbahaareey
- Somali ku dhibaataysan Xabsiyo ku yaalla dalka Ukraine
- Suuqa Ganacsiga magaalada Gaalkacyo oo xiran
- Horjoogiyaal Al Shabaab ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Galgaduud
- Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.