Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 11 December 2012 17:12

Baarlamaanka oo su’aalo waydiiyay Wasiirada Difaaca iyo Arimaha Dibada

Muqdisho (KON) Xildhibaanada Soomaaliya ayaa kulan ay su’aalo ku waydiinayeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya maanta waxay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Teaser Image Baarlamaanka oo su’aalo waydiiyay Wasiirada Difaaca iyo Arimaha Dibada

Kulanka baarlamaanka maanta ayaa waxaa hor yimid wasiirada Gaadhaandhiga iyo waliba Arimaha dibada ee xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo xildhibaanada kaga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen.

Xildhibaanada ayaa ugu horayn waasiirka arimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji ee xukuumada Soomaaliya waxay waydiiyeen labo su’aal oo kala ahaa.

1-maxaa kalifay in la kireeyo rugta safaaradda Soomaaliya ee talyaaniga?

2-maxuusa yahay sababta  kireynta xarunta safaradda Soomaaliya ee Rooma?

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan ayaa sheegtay in ay raali galin ka bixinayaan arrintaasi inkasta oo aanan si cad loo ogeyn waxyaabahaas balse ay jiraan gudi loo xilsaaray hantida dowladda ee jirta dalka dibadiisa.

Sidoo kale C/xakiin Maxamuud Xaaji fiqi wasiirka gaashaandhiga ayey weydiiyeen mudanayaasha Baarlamaanka seddax su’aal oo kala ahaa.

1-maxaa kalifay in maxkamadda ciidammada ay xuraydiisa ka qaado muwaadin wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo ka tirsan idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ah?

2-waa maxay mowqifka xukuumadda ee ku aadan xariga wariyahaasi?

3-goorme ayaana xuriyadiisa loo soo celinayaa?

Fiqi ayaa Baarlamanka ugu jawaabay dhamaan su’aalihii ay weydiiyeen waxa uuna sheegay in wariyaha uu sii daayay warbixin taas oo ka hadleysay in maxkamadda ay dishay nin aanan loo qaban qareen balse mas’uuliyiin ka socoto BBC-da ay yimaadeen Muqdisho ayna ka bixiyeen raaligalin balse haatan dib loogu celiyay xoriyadiisi.

Talaabadan ay maanta mudanayasha baarlamaanka su’aalaha ku weydiiyeen wasiirrada arrimaha dibada iyo gaashandhiga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa bilaw wanagsan u ah howsha sharci dajinta wadanka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top