Baarlamanka oo Sameeyay 15-gudi oo Joogto ah
Muqdisho (KON) Kulanka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mudane Mahad Cabdala Cawad waxaana soo xaariday oo kooramka buuxiyay 176 mudane.
Kulankaan ayaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya waxay kaga doodayeen samaynta gudiyo uu yeeshe baarlamaanka waxaana mudanayaasha baarlamaanka ugu danbayntii ay isku raaceen in la sameeyo 15-gudi.
Gudiyada la sameeyay ayaa waxaa ka mid ah, gudiga dib u eegista iyo dhaqan galinta Dastuurka, gudiga maaliyada iyo la xisaabtanka miisaaniyada qorsheynta iyo iskaashiga caalami ah, gudiga xaqiiqo raadinta dib u eegista iyo hanti soo celinta iyo gudiyo kale.
Mahad Cabdala Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka ayaa ku dhawaaqay in codka gacan taaga ah oo ay sameeyeen xildhibaanada ay ogolaadeen 167, 6-na ay diiday halka 3-na ay ka aamuseen.
Maalinta Sabtiga ah ayaa waxaa la gali doono doorashada guddoomiyayaasha iyo kuxigeenada gudiyada baarlamaanka ee maanta leesku raacay.
Keydmedia Online xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.