Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Saturday 20 June 2015 11:18

Baarlamanka Somalia oo kulan Xasaasi ah ku leh Golaha Shacabka, Caasimada Muqdisho

Muqdisho (KON) - Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Maanta u fariisanaya Mooshin ka dhan ah Dowladda Kenya oo dhawaan loo soo gudbiyay Gudoonkooda.

Teaser Image Baarlamanka Somalia oo kulan Xasaasi ah ku leh Golaha Shacabka, Caasimada Muqdisho

Ajandaha Kulanka Baarlamaanka ayaa ah sidii ay uga doodi lahaayeen Mooshinka laga keenay Go'aanka Kenya ay Derbiga ugu dhisayso Gudaha dalka Soomaaliya, oo Dhisamihii socdo.

Xildhibaan Maxa'ed Cumar ayaa sheegay in Baarlamaanka uu Go'aan ka qaadan doono Xadgudubka Kenya ay ugu soo xadgudubtay Dhulka Soomaaliya, ee Derbiga ka dhisayso waliba iyadoo aan kusoo wareglin Dowladda Federaalka.

"Baarlamaanka wuxuu cadaynayaa Maanta Mowqifkiisa ku aadan Dhisamaha Derbiga Kenya ay ka dhisayso Xaduuda," ayuu yiri Xildhibaanka.

Magaalooyin ay kamid tahay Beled-Xaawo oo Shacabka halkaas ku nool Cawasho badan soo gudbiyeen, iyagoo sheegay in Guryahooda ay burburinayaan Ciidanka Kenya oo Baldoosaro wata.

Kenya ayaa ku andacoonaysa inay Derbiga ka dhisayso xadka si ay ugu sugta Amaankeeda, ugana hortagto Weerarada Kooxda Al shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top