Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 4 January 2014 05:49

Bakool: Al-shabaab & Dad Shacab ah oo markale Dagaalamay

Xudur (KON) - Iska horimaad u dhaxeeya Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab iyo Dad Shacab ah ayaa ka dhacay Tuulada Dhuurey ee Gobolka Bakool.

Teaser Image Bakool: Al-shabaab & Dad Shacab ah oo markale Dagaalamay

Isku dhaca ayaa yimid kadib markii Maleeshiyadka Al-shabaab Al-Qaa’ida ay is hortaag ku sameeyeen Raashin Gar-gaar ah oo loo waday Dadka ku nool Tuuladaasi, sidaasna uu dagaalka ku bilowday.

Gudoomiyaha Tuulada Dhuurey ee Gobolka Bakool Cabdulaahi Cabdi Ismaail ayaa Keydmedia u sheegay in Dagaalka Dhexmaray Dadka Shacabkaa iyo Al-shabaab ay kaga Guuleeysteen, wuxuna intaa raaciyey in Hal Qof oo ka mid ah Dadka Deegaanka uu ku geeriyooday Dagaalka ay wada galeen Maleeshiyadka Kooxda Al-shabaab.

C/laahi Cabdi ayaa intaa ku daray in hada ay jirto Xiisad iyo isku Hub aruursi ay wadaan Al-shabaab si ay mar labaad ay Duulaan u soo qaadaan.

Maleeshiyadka Al-shabaab ayaa caado ka dhigtay in ay Dadka danyarta ah ay Baad kaga Qaataan Xoolahooda iyo Gar-gaarka loo fidiyo intaba.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top