Barkacayaasha Muqdisho oo ka cabanaya Askarta TFG-da (Warbixin)
Muqdisho (Keydmedia) - Qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool Xeryaha ku yaalla Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay kala kulmayaan Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya dhibaatooyin isagu jira kufsi,boob iyo handadaad joogto ah.
Weriyaal ka tirsan Keymedia oo u kormeer howleed ku tagay qaar ka tirsan Xeryaha barakacayssha ugu waaweyn ee Magaalada Muqdisho si ay ugu kuur galaan gunta hoose ee dhibaatooyinka haysata dadka maaskiinta ah ee kasoo barakacay gobolada ay Abaarta ku dhifaya ee Soomaaliya ayaa waxa ay u sheegeen qoysaskii ay halkaasi kulakulmeen inay qaati ka taaganyihiin horjoogiyaal kaamam iyo Ciidamado ku lebisan Tuutaha dowladda KMG.
Kaamka Horsed ee ku yaalla agagaarka fagaaraha Tribuuka ee Magaalada Muqdisho oo hooy u ah boqolaal qoys oo barakacayaal ah ayaa kamid ahaa meelaha ay tageen Weriyaasha Keymedia,waxaana xiligaasi ku sugnayd Hay’adda samafal oo doonaysay inay Musqulo u samayso barakacayaasha.
Maleeshiyaad u abaabulan qaab Qabiil oo ku lebisan Tuutaha Ciidamada dowldda KMG islamarkaana sheegta inay Kaamamka halkaasi ku yaalla ay maamulaan ayaa is hortaag bareer ah ku sameeyay Hay’adda inay u gar gaarto Barkacayaasha oo ay Musqulo u samayso.
Horjoogiyaasha ayaa ku amray Hay’adda inay iyagu ku wareejiso Mashruuca Musqulaha loogu qodayo dadka Masaakiinta ah ee ku nool Kaamka Horsed ee agagaarka Tribuunka Dgmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Weriyaasha Keydmedia ayaa booqday Kaamam ku yaalla Degmada Dharkenlay ee isla Magaalada Muqdishu,qaar ka tirsan Barakacayaal ku nool Xeradda lagu magacaabo Rajo oo ah xerada labaad ee ugu weyn xeryahah Barakacayaasha Muqdisho marka laga yimaado Badbaado ayaa sheegay inay sidoo kale ka cabanayaan rag ku lebisan dareeska Ciidanka dowladda KMG oo dhibaateeya xiliyada habeenkii.
Dhibanayaasha ayaa tilmaamay in Maleeshiyaadka ay u geestaan Kufsi iyo Dhac oo ay ka dhacayaan Raashiinka ay Hay’addaha siiyeen si ay ugu noolaadaan.
Intaasi kuma koobna dhibaatada ay sheeganayaan Barakacayaasha,waxa kalo ay sheegeen in Habeenadii ugu danbeeyay ay jireen Dagaalo iyo Duqeymo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Kooxda Al-shabab oo iyada weerarada ku soo qaada deegaanadaasi.
Rasaasta iyo Madaafiicda ay isweydaarsadaan labada dhinac ee dagaalamaya ayaa Wax yeelo gaarsiisa mararka qaar dadka barakacayaasha ah eek u sugan Guryo ka samaysan Cowshado iyo waxyaabo kale oo aad u jilcad, iskaba daayee inay celiyaan Rasaasta habowga ah waxaysan celin Karin ilayska Qoraxda iyo dabaylaha qabowga wata ee xilayada Habeenkii.
Dhibaatooyinka taagan ayaanan jirin illaa hadda cid wax ka qabatay, iyadoo dowladda KMG ay dhowr jeer balan qaaday inay wax ka qabanayso dhibaatada hase ahaate uu u muuqdo balanqaadkaasi mid afka baarkiisa ku kooban.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
More News
- Kulankii London oo Daqiiqado ka hor Furmaya
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.