Beelaha Ogaadeen & Mareexaan” Dagaal ayaan la galeynaa Shabaab, Warlords Gaandi & Hiiraale
Kismaayo (Keydmedia) - Qeybaha kala duwan ee Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa si isku mid ah ugu hor yimid dhaqamada foosha xun iyo hab siyaasadeeka Kooxda Shabaabka ee dhawaan Al-qaacida ku biirtay iyo Dagaal-oogayaasha Gaani iyo Barre Hiiraale, iyagoona sheegay inaysan hada diyaar u ahayn inay dib ugu laabtaan dagaaladii sokeeye ee ay soo mareen.
Qaar ka tirsan Odayaasha beelaha Marexaan iyo Ogaadeen oo weraysi gaar ah siiyay xafiiska Keydmedia ee Kismaayo ayaa sheegay in Kooxda Shabaabka iyo Dhagar-qabayaasha Maxamed Cabdi Gaandi iyo Barre Aadan SHire Hiiraale ay soo wada qaateen mashruuc dalka lagu bur burinaayo dadkana lagu xasuuqaayo, waxayna sheegay inaysan arrintaasi marnaba u dul qaadan doonin, sida ay hadalka u dhigeen.
"Shabaab Al-qaacid iyo dagaal-oogayaasha Gaandi iyo Hiiraale ayaa sida la wada ogyahay waxaa ay mashruucyo ah la galeen dowladda Itoobiya iyo Kenya kuwaasoo hadda dalka Soomaaliya ka wada xasuuq cad", ayuu yiri Ugaas kamid ah Ugaasyada Beelaha go'aankaasi maanta qaatay oo magaciisa ka gaabsady in la xuso".
Si kastaba hadalka Odayaashaan ayaa imanaya xili gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo ay ciidamo Shisheeye ku soo hogaamiyeen calooshood u shaqeystayaal sheeganaya inay Sooamaali yihiin gobboladaasna ay u dhasheen kuwaasoo ay kamid Yihiin, Barre Aadan Shire Hiiraale, Maxamed Cabdi Gaandi iyo kuwo kale oo fara badan.
Keydmedia.net , Xafiiska Kismaayo
More News
- Kooxda Shabaab oo Duqeyn ku Bur buriyay Ceelkii Biyaha ee Garbahaareey
- Somali ku dhibaataysan Xabsiyo ku yaalla dalka Ukraine
- Suuqa Ganacsiga magaalada Gaalkacyo oo xiran
- Horjoogiyaal Al Shabaab ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Galgaduud
- Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.