Burcadbadeeda oo sii daayay Markab iyo Shaqaalihii la socday
Muqdishu (Keydmedia) - Sida ay ku waramayso Wasaaradda Arrimaha Dibbadda ee Wadanka Talyaaniga, Kooxaha Burcad badeeda Soomaaliya ayaa sii sii daayay Maanta oo Talaado ah Markab laga leeyahay wadankaasi iyo Shaqaalihii saarnaa oo ay muddo ku haysteen Xeebaha Soomaaliya
Markabka la sii daayay oo ah nooca lagu qaado islamarkaana waday 15,750 tons oo ah caustic soda Waxyaabaha Kiimikaalka ah ayaa waxaa la socday 18 Madmaaxi, kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Italy, India iyo Ukraine, waxaana sii deyntooda timid kadib markii dadaallo fara badan ay si wad ajir ah u bixiyeen dowladaha Somalia iyo Taliyaaniga.
War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibbadda ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa lagu sheegay in Burcad badeedu ay sii daayeen Markabka lagu magacaabo Enrico Ievoli\' oo ay Burcad badeedu ka qafaalatay Bishii December ee Sanadkii hore Xeebaha dalka Cumaan, isagoo kusii jeeda Taliyaaniga.
Lama sheegin wax Lacag madax furasho ah oo ay qaateen Kooxaha haystay Markabka, hase ahaatee Shirkadda markabkaan iska leh oo lagu magacaabo Marnavi, ayaa si kooban u sheegtay in Burcad badeedu ay lacago qaateen wallow aysan cadadkeeda sheegin.
Dawlada Talyaaniga ayaa horey u dalbatay in gacan lagu siiyo sii daysmada markabkaasi oo Burcad badeeda Gacanta ugu jiray muddo 5 bilood ah
Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka oo ka faaloota Arrimaha burcad badeeda ayaa war bixin ay dhawaan soo saartay waxay ku sheegtay inay hoos u dhaceen falalka burcad badeednimada 28%.
Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho
Share this page
More News
- Video: Siyaasiin Soomaali ah oo ku cadaadiyay Dawlada Norway inay… // Daawo
- IGAD: Wixii Kismaayo ka dhacay waa Sharci daro | Dowladda ha looga danbeeyo -Warbixin
- Waa kuma Ninka Askariga Ingiriiskaa London ku Dilay? Warbixin
- R/wasaare Saacid oo ka hadlay Dhaqaalo soogaaray dowlada
- Obama oo ka hadlay Dagaalka lagula jiro Al-Qaacida
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.