Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 3 January 2014 13:42

Burco: Masuul la xiray // Xiisad ka taagan

Burco (KON) - Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa Xabsiga dhigay Gudoomiye Kuxigeenkii hore Gobolka Togdheer ee Waqooyi Galbeed Dalka Soomaalia.

Teaser Image Burco: Masuul la xiray // Xiisad ka taagan

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Togdheer,Maamulka Soomaaliland Guuleed Daahir Samatar ayaa laga ka xaystay Gurigiisa oo ku yaala Magaalada Burco.

Waxana Gudoomiyaha Gurigiisa kala baxay Ciidamada Nabadsugida Maamulka Soomaaliland ee loo yaqaano RRU.

Cismaaciil Yuusuf oo ay Ehelo yihiin Gudoomiyaha ayaa Keydmedia online u sheegay in aan la ogeen Halka lala aaday iyo waxa lagu haysto midna.

Gudoomiye Guuleed Aadan ayaa ahaa Siyaasi Xilal kala duwan ka soo qabtay Maamulka Soomaaliland islamarkaana Dhaliil sanaa Siyaasada Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo.

Sidoo kale wararka laga Helaayo Magaalada Burco ayaa sheegaya in ay ka jirto Xiisad iyo Dhaq dhaqaaqyo looga soo horjeedo Xariga Gudoomiye kuxigeenka.

Ciidamo farabadan oo Boolis ah ayaa lagu soo daadiyey Magaalada Burco si ay oga hortagaan hadii ay halkaasi Rabshado dhacaan.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top