Caalin oo soo dhaweeyay hawgalkii Maraykanka
Gaalkacyo (Keydmedia) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa soo dhaweeyay tallaabadii ay ciidamada Maraykanku ku soo furteen 2 qof oo looga haystay gobollada dhexe.
Caalin ayaa sheegay inuu aad u soo dhawaynayo hawlgalka ay Maraykanku fuliyeen oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid lagu guulaystay.
Waxaana isagoo ku sugan degmada Hobyo uu sheegay inay horay digniin ugu jeediyaan kooxaha afduubka gaystay balse ay ka biyo diideen.
Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka socda Maraykanka ayaa xalay hawlgal ay fuliyeen gudaha Soomaaliya ku dilay 9 qof oo kamid ahaa kooxihii afduubka gaystay, isla markaana iyagoo bad qaba kaxaystay labo qof oo Maraykan ah una shaqaynayay hay'adaha gargaarka.
Caalin hadalkiisa kuma cadaynin in horay loogu sii sheegay weerarka iyo in kale, balse waxaa uu tilmaamay in maamulkiisu ay la dhaceen tallaabadaas.
Keydmedia News Desk - Gaalkacyo
More News
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
- Cameron: Ma Qorsheyneyno Aqoonsi Somaliland
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.