Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 13 April 2012 16:01

Caleemasaarka Suldaan Muxyaddiin Xasan Cilmi Fagaas - Daawo Masawirada

Gaalkacyo (Keydmedia) - Waxaan hambalyo iyo bogaadin usoo tabinaynaa caleemasaarka Suldaan Muxyaddiin Xasan Cilmi Fagaas oo ka dhacaya Koofurta Magaaalada Gaalkacyo, Magaalo-madaxda Dawlad-goboleedka Galmudug.

Teaser Image Caleemasaarka Suldaan Muxyaddiin Xasan Cilmi Fagaas - Daawo Masawirada

Suldaan Muxyaddiin waa mas’uul u bisil xilka dhabarka loo saaray, waxuuna hoodo gaar ah u leeyahay samajeclaanta, garsoorka iyo qaddarinta nabadda.

Marka laga tusaale qaato xaaladda guud ee ummadda Soomaaliyeed maanta marayso, mas’uul kasta oo leh karti iyo hufnaan bulsho lagu hoggaamin karo waa deeq Rabbi oo waxtar weyn u leh Garsoorka iyo horumarinta Bulshada.

Mas’uul kasta oo leh haybad qaddarin mudan wuxuu kayd u yahay xasilinta Nabadda, agloolidda Deriswanaagnimada, taakulanta Bulshada, turxaan-bixinta siyaasadda murugta, kalkaalinta danyarta, nugulka bulshada iyo kobcinta garashada iyo garaadka jiilka soo koraya.

Suldaan Muxyaddiin Xasan Cilmni Fagaas waa mas’uul ku sifoobay tilmaamaha kor ku xusan, wuxuuna dheeli tiri doonaa habacsanaan kasta oo ka jiri karta Bulshada deegaanka Galmudug.

Suldaan Muxyaddiin oo qurbajoogta Australia kamid ahaa, wuxuu tanasul ballaaran ku sameeyey danihii isaaga gaarka u ahaa si uu ugu adeego Bulshadiisa, waxaana usoo tabinaynaa hambalyo iyo taageero xilkaas uu aqbalay.

Qurbajoogta ka tirsan Deegaanka Galmudug waxay Suldaan Muxyaddiin u arkaysaa inuu wax weyn kusoo kordhin doono xasilinta Nabadda aagga Galmudug, wacygelinta Bulshada iyo Deriswanaagnimada Deegaanka.

Rabbi waxaanu ka baryaynaa in xilkiisu u fududaado Bulshadiisuna ku baraarto hoggaamintiisa.

W/Q: Ardayda Jaamacada Gaalkacyo (Galkayo University GU)


Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top