Cameron: Ma Qorsheyneyno Aqoonsi Somaliland
London (Keydmedia) - R/wasaaraha Dalka Britain David Cameron ayaa sheegay in dowladda Ingiriisku waqtigaan xaadirkaa aysan Qorsheyneyney aqoonsi Maamulka raba in uu ka go'o Soomaaliya.
R/wasaaraha Ingiriisku oo la hadlay Idaacada BBC ayaa xusay in Dowladiisa aysan qorsha ugu jirin in ay waqtigaan xadirkaa Aqoonsi siiso Maamulka madaxweyne Siilaanyo ee Soomaaliland.
Ra’iisul wasaaraha Dalka Ingiriisku oo ka jawaabayey su’aal ay BBC-du weydiisey oo ahayd diyaar ma u tahay inaad Somaliland u ogolaato madax-banaani? wuxuu yiri: “ Shirkani kuma saabsana Aqoonsasho Somaliland, mana ahan qorshaha Britain”
Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata yiri: “ Qorshaha Britain waxa weeyey in uu xiriir fiicani kala dhexeeyo dhamaan dhinacyada Soomaalida, saldhiggaas ayaanuna ka duuleynaa”
Khamiista beri ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 23/2/2011 ayaana la filayaa in uu qabsoomo shirka xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya looga hadli doono oo ay dowlada Ingiriisku martigelisey ayna kaso qayb gelayaan dhinacyada Soomaalida laguna casumey in ka badan 50-dal iyo hay’ado caalami ah.
Keydmedia.net - Xafiiska London
More News
- Kooxda Shabaab oo Duqeyn ku Bur buriyay Ceelkii Biyaha ee Garbahaareey
- Somali ku dhibaataysan Xabsiyo ku yaalla dalka Ukraine
- Suuqa Ganacsiga magaalada Gaalkacyo oo xiran
- Horjoogiyaal Al Shabaab ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Galgaduud
- Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.