Ciidamada AMISOM oo duqeeyay Deegaano ka tirsan Degmada Afgooye
Muqdisho (KON) - Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ayaa madaafiic xoogan waxay ku garaaceen Deegaano hoostaga Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Madaafiicdaan ayaa Xalay waxaa laga maqlay gudaha Degmadaasi Afgooye waxaana la sheegay in ay saamayn ku yeesheen Dadka degan Degmadaasi maadaama ay Madaafiicdaan ay dhacayeen xili ay hurdayeen Dadweynuhu.
Wararka ayaa sheegaya madaafiicda ay ridayeen ciidamada AMISOM in ay ka danbaysay ka dib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar xoogan ay ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM.
Ilaa iyo iminka si dhab ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ay geesteen madaafiicdaan ay ciidamada AMISOM ay ku garaaceen deegaano ka tirsan degmadaasi Afgooye.
Inta badan Ciidamada AMISOM ayaa waxay bixiyaan jawaabo xoogan Marka Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay weeraraan fariisimaha Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya, waxaana jawaabahaasi ay khasaaro badan ka soo gaaraan dadka rayidka ah.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
- Qarax Ciidamada Kenya lagula eegtay Kismaayo
- Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/hoose
- Ciidamada Iftiin Baasto oo Howlgallo ka wadaan xaafadaha ay Kismaayo ka maamulaan
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.