Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 25 January 2012 10:23

Ciidamada Dagaal ooge Gaandi oo Toogtay Lix Nin

Kismaayo (Keydmedia) - Ciidamada taabacsan Dagaal ooge Maxamed Cabdi Gaandi ee ku suggan deegaanka Qooqaani ee Gobbolka Jubbada Hoose ayaa saacadihii ugu dambeeyay deegaankaasi ku toogtay Lix nin oo kamid ahaa 10 nin oo todobaadkii aynu ka soo gudubnay ay qabteen iyagoo u jaajuusaayay Maleeshiyaadka Shabaabka.

Ninmaankaasi waxaa ay horay uga mid ahaayeen Ciidamada Gaandi.

Sargaal aan magaciisa la shaacinin ayaa Keydmedia u xaqiijiyay toogashada Lixdaan nin , isagoona intaasi ku daray  in toogashada Lixdaan nin ay timid kamid markii Maxkamada ku taala Qooqaani ay soo saartay go'aan ka dhan ah dambiyada ragaasi lagu helay.

Ragga la toogtay iyo kuwo kale oo la sii daayay o ka tirsanaan Ciidamada dagaal ooge Gaandi ayaa la qabtay xili ay warar hoose siinaayay Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka, Waxaa uu Sargaalkaan sidoo kale sheegay in Afar kamid ahaa raggaan la sii daayay kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

Xalay Saqdii dhexe ayaa Lixdaan nin lagu toogtay duleedka deegaanka Qooqaani, waxaana ay saraakiish Gaandi ay sheegeen in tilaabadaan ay hada ka dib dhimi doonto Ciidamo kale oo falalka noocaan oo kale ah ku kacay.

Keydmedia.net , Xafiiska Kismaayo

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top