Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 9 December 2012 09:51

Ciidamada Dowlada oo Saaka Nin darawal ah ku tooogtay Shabeelaha Hoose

Muqdisho (KON) - Sida ay kuwaramayaan dadka ku dhaqan degmada Afgooye waxay sheegayaan in halkaasi ciidamo katirsan dawlada Soomaaliya ay saaka ku dileen nin darawal ahaa.

Teaser Image Ciidamada Dowlada oo Saaka Nin darawal ah ku tooogtay Shabeelaha Hoose

Darawalka la dilay ayaa wuxuu kasoo ambabaxay deegaanka Busleey isagoo kuso jeeday magaalada Muqdisho, waxaana uu waday gaari nuuca caasiga loo yaqaano oo khudaarna ay ku rarneyd iyadoona ciidamadu ku dileen deegaanka Mareereey oo shan km ujira magaalada Afgooye.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa ku waramaya in ciidamada dawlada ay udileen Darawalkaan markii uu ka dhago adeegay bixinta lacago baad ah oo la weydiiyey taasi oo sababtay in meesha lagu toogto.

Darawalada ka xeeya gaadiidka ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in ay marwalba la kulmaan dhac iyo baarsho oo ay u geestaan askar ku labisan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya.

Arintaan ayaa waxay ku soo adaysaa xili dowlada Soomaaliya ay sheegtay in gabi ahaanba la qaaday isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo gobalada ay joogaan ciidamada dowlada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top