Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 16 March 2012 18:33

Ciidamada dowladda KMG iyo AMISOM oo isku fidiyay Duleedka Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Maanta oo jimco ah isku fidiyay Deegaanno ku yaalla duleedka Magaaladda Muqdisho halkaasi oo ay horay u haysteen Al-shabab-Qaacidda.

Teaser Image Ciidamada dowladda KMG iyo AMISOM oo isku fidiyay Duleedka Muqdisho

Saraakiisha Ciidamadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay tageen oo ay Fariisimo dhowr ah ka sameysteen Deegaano ku yaalla Duleedka Degmadda Kaaraan ee Gobolkan Banaadir iyo Deegaanka Galgalato oo 30 Km u jira Muqdisho.

Gen. Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhagabadan oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay guulo gaareen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM isagoona intaa ku daray in ay sii wadayaan dagaalka ay kula Jiraan Al-Shabab.

Ma jiraan wax war ah oo ku saabsan Khasaaraha ka dhashay dagaalka,hase ahaatee Gen.Dhagabadan ay sidoo kale sheegay in haatan dagaalka loo jeediyay Magaaladda Duleedkeeda gaar ahaan Goboladda Dariska la ah Gobolka Banaadir ee Dalkan Soomaaliya,gaar ahaan Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top