Ciidamada Itoobiya oo la wareegeen Bardaale
Muqdisho (Keydmedia) - Magaalada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa Ciidamada DKMG iyo xoogag taabacsan ururka Ahlusuna oo garabsanaya Ciidamada Ethiopia ayaa galabta dagaal kula waregay degmada Bardaale oo 60-KM u jirta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka ayaa ka dhacay duleedka Bardaale oo ay galabta soo gaareen ciidamada isgarabsanaya oo ka soo dhaqaaqay dhanka degmada Yurkud oo ku taalla soohdinta kala qeybisa gobolada Bay iyo Gedo, dagaalkaan ka dhacay duleedka Bardaale ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac hase yeeshee lama hayo tirakoob rasmi ah.
Gudoomiyaha gobolka Baay ee DKMG C/fataax Ibraahim Geesey oo aan telefoonka kula hadalnay caawa ayaa xaqiijiyey in ciidamada Dawlada iyo kuwa Ethiopia ay caawa ku hoyanayaan Bardaale, isagoo sheegay in maalmaha dhow ay tegi doonaan Baydhabo.
Xaalada magaalada Baydhabo ayaa tan iyo galabta aad u kacsan iyadoo Iyadoo Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ay ka wadaan magaalada dhaqdhaqaaqyo iska caabin ah oo ay ku doonayaan inay magaalada ku difaacdaan.
More News
- Kooxda Shabaab oo Duqeyn ku Bur buriyay Ceelkii Biyaha ee Garbahaareey
- Somali ku dhibaataysan Xabsiyo ku yaalla dalka Ukraine
- Suuqa Ganacsiga magaalada Gaalkacyo oo xiran
- Horjoogiyaal Al Shabaab ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Galgaduud
- Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.