Ciidamada Kenya oo Xabsiga Dhigay Sadex kamid ah Saraakiisha Gaandi
Kismaayo (Keydmedia) - Inkastoo Maalmihii ugu dambeeyay uu cirka isku sii shareeraayay khilaafka u dhaxee kooxaha Dalka qaska ka wada ee ay gadaal ka joogaan Ciidamada Kenya ee Raaskaambooni iyo Kooxda Gaandi ayaa waxaa uu hadda khilaafka u dhaxeeya gaaray in xabsiga lagu guro dagaalgaliyaasha Gaandi.
Saacadihii ugu dambeeyay Ciidamada Kenya ee kusugan deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ay xabsiga dhigeen saddex kamid ah dagaalgaliyaasha dagaal-ooge Gaandi.
Ragaan la xirxiray ee Maleeshiyaadka Gaandi ka tirsan ayaa waxaa xarigooda ka dambeeyey horjoogaha Kooxda Raaskaambooni ninka lagu magacaabo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo isagu aaminsan mab da'a qalafsan ee ay wataan kooxda Shabaabka.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka carqaladeysan ee TFG-da oo lagu magcaabo Xildhibaan Maxamad Amiin ayaa ayaa Keydmedia.net xafiiskeeda Koonfurta Soomaaliya u sheegay in Axmed Madoobe uu Ciidamada Kenya ka codsaday in ay xir xiraan dagaalgaliyaasha Gaandi.
Mr Maxamad Amiin ayaa sidoo kale sheegay in raggaan Ciidamada Gaandi ka tirsan ee la xir xiray ayaa laga qab qabtay halka lagu magacaabo Balis Qooqaanni oo meesha ay difaaca ugu jiraan.
Warbaahinta Keydmedia waxaa u suura gashay inay la hadasho dad ku dhadhow raggaan ay Ciidamada Kenyaanka ah xireen kuwaasoo magacyadoodu kala ahaa sidan, Col. Daahir Budul, Col. Yuusuf Gaas (Dal Dal) iyo Col. Cabdi Naasir.
Si kastaba ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Kenyanka ah ay xabsiga u taxaabaan ragga hogaaminaya Ciidamada Gaandi, ayadoona ay todobaad ka hor ay ahayd markii sidaan oo kale ay Ciidamada Kenya xabsiga u taxaabeen nin ka tirsanaa Ciidamada Gaandi kaasoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka uu ku xiranyahay balse la aaminsanyahay in ninkaasi uu ku xiranyahay xabsi ku yaalla gudaha dalka Kenya.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Share this page
More News
- Kooxda Axmed Madoobe “Kismaayo Dhiig ayaa ku daadan doona! // Warbixin
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.