Ciidamada TFG-da oo Dil iyo Dhac ka geestay Muqdisho
MUQDISHO (Keymedia) - Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa Xalay waxa uu Dil bareer ah ugu geestay Xaafad ku taalla Degmadadda Wardhigley ee Magaalada Muqdisho Wiil dhalinyaro ahaa.
Nin ka mid ah Ehelada Willka la dilay ayaa u sheegay Keydmedia in Askariga uu ku toogtay Xaafad aan sidaasi uga fogeen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Degmadda Wardhigley ee Gobolka Banadir, isagoo intaasi raaciyay in Dilka uu yimid markii wiilka Wiilkan kadib markii uu diiday in uu dhiibo Mobil-ka Gacanta oo uu doonayay in uu ka dhaco.
Askariga Falka gaystay ayaa markiiba waxa ay sheegeen Ehelada Marxuunka in uu baxsaday hadana ay ku mashquulsan yihiin Aaska Wiilkooda, iyagoo sheegay in dhacdadaani aysan ahayn mid ay aad uga xumaadeen.
Sidoo kale Ciidamada Dowladda KMG ah waxa ay Dhac u gaysteen Saakay dad saarnaa Gaari BL- ah oo kusii jeeday Degmada Xamar-weyn kana yimid Degmadda Shibis ee Magaalada Muqdisho.
Qaar ka tirsan dadkii la socday Gaaraiga Dhaca oo dhacay ayaa u sheegay Keydmedia in Falkan Boobka ah uu ka dhacay Wadada Tabeellaha Jecelka ee degmada Shibis, Waxaana ay sheegeen in Ciidamada ay ka qaateen Dhamaan Lacag iyo Mobilo wixii ay wateen.
Waxa lagu sheego Askarta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo xulay 4.5 waxaayna Dhac joogta ah ku hayaan dad rayidka ah oo mararka qaar hadii ay ka dhaga adeegaan in ay dhiibaan waxa la waydiisto ay dilaan.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Halkaan ka Aqriso Baaritaan ey Keydmedia Sameesay
Share this page
More News
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.
