Ciidamada TFG-da oo Qarax Bam oo lagula Eegtay Degmada Baladxaawo ee G/Gedo
Kismaayo (Keydmedia) - Qaraxa bambaano ayaa goor dhow lala eegtay ciidamada TFG-da ee ku suggan degmada Baladxaawo ee Gobbolka Gedo ayadoona qaraxaasi uu dhaliyay khasaaro soo gaaray ciidamadii qaraxa lala beegsaday.
Qaraxaan ayaa lala eegtay Gaari Nooca Cabdi-bilaha ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa TFG-da kaasoo maraayay bartamaha degmada Baladxaawo.
Sida ay Keydmedia u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay Labo askari oo ka mid ahaa ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala beegsaday, mana jirto wax dhimasho ah oo qaraxaasi ka dhashay.
Qofkii Bamka tuuray ayaa la sheegay inuu durbadiiba baxsaday, ayadoona ay jiraan howlgalo balaaran oo ay ciidamada dowladda qaraxa ka dib ay ka sameeyeen degmada Baladxaawo.
Saraakiisha ciidamada TFG-da ee Baladxaawo ku suggan wali wax faah faahin ah Saxafada kama aysan siinin qaraxan sida uu u dhacay iyo cida ay ku tuhmayan.
Ugu dambayntii Ma ahan markii ugu horaysay oo ciidamada DKMG ah ee Baladxawo ku suggan weerar noocaan oo kale ah lala beegsado.
Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo
More News
- Kulankii London oo Daqiiqado ka hor Furmaya
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.