Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 21 February 2012 19:06

Ciidamo Amxaaro iyo Soomali oo la wareegay deegano ka tirsan Bay iyo Bakool

Kismaayo (Keydmedia) - Gobbolada Gedo, Bay iyo Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya ayaa Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo dhawan ka ruqaansaday degmada Luuq ee gobbolka Gedo ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobbolka Bay oo ay horay ugu suggnaayeen Maleeshiyaadka Shabaab.

Teaser Image Ciidamo Amxaaro iyo Soomali oo la wareegay deegano ka tirsan Bay iyo Bakool

Sida ay Saraakiil TFG-da ka tirsan ay saxaafada u xaqiijiyeen deegaanada ay ciidamadaan gaareen waxaa ka mid ah deegaanada Yurkud iyo Bohol Bashiir oo ay horay u joogeen Al shabaab, waxaana saraakiil Ciidamada dowladda u hadashay ay intaasi ku dareen in markii ay deegaanadaasi soo galayeen ay la kulmeen xoogaa iska caabin ah oo uga timid ciidamada deegaanadaasi horay u joogay ee Shabaab.

C/fitaax Geeseey Gudoomiyihii hore ee gobbolka Bay oo Keydmedia la hadlay waxaa uu sheegay in ciidamadu ay halkaasi dagaal aan badneyn ay kula wareegeen,isagoona xusay in ciidamadu hadda ay u jiheysteen magaalooyinka waaweyn ee gobbolada Bay iyo Bakool saacadaha soo socdana laka bixi doono, sida uu hadalka u yiri.

Waxaa sidoo kale jira ciidamada kale oo wata gaadiid dagaal oo gaaraaya ilaa 40 baabuurta dagaalka ah oo ay ku jiraan Taanhiyo oo iyaguna u soo jiheystay deegaano ka kala tirsan Gedo iyo gobbolada Bay iyo Bakool.

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top