Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyay inay la wareegaan amaanka Caasimada
Muqdisho (KON) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in la diyaariyay ciidamo gaar ah oo suga amaanka caasimada Soomaaliya kuwaasi oo mardhow sitoos ah u howlgali doona.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadaan ay yihiin kuwo ka badan ilaa iyo 1000,(Kun) Askari oo si gaar ah loo diyaariyay.
Wuxuu sheegay in ciidamadaasi oo haatan diyaar ah ay si toos ah u howlgali doonaan bisha sadaxaad ee Sanadkaan, isla markaana ay si toos ah ula wareegi doonaan amaanka caasimada Soomaaliya.
“ciidamadaan ma ahan kuwo lagu bixinayo dhaqaale ka yimid wadanka dibadiisa, laakiin waxaa lagu bixinayaa dhaqaale ka yimaaday wadanka gudihiisa.”sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Amaanka magaalada Caasimada Soomaaliya ayaa ah mid soo hagaagaya xiligaan, waxaana haatan la arkayaa ciidamo xiliyada habeenkii ah jooga wadooyinka oo sugaya amaanka magaalada.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Video: Siyaasiin Soomaali ah oo ku cadaadiyay Dawlada Norway inay… // Daawo
- IGAD: Wixii Kismaayo ka dhacay waa Sharci daro | Dowladda ha looga danbeeyo -Warbixin
- Waa kuma Ninka Askariga Ingiriiskaa London ku Dilay? Warbixin
- R/wasaare Saacid oo ka hadlay Dhaqaalo soogaaray dowlada
- Obama oo ka hadlay Dagaalka lagula jiro Al-Qaacida
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.