Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 22 March 2012 11:37

Ciidamo hor leh oo Keyaan ah ayaa soo buux dhaafiyay halka loo yaqaano Xaar Xaarka

Kismaayo (Keydmedia) - Aduunka waxaa ugu daran African hakaa il helo oo dalkaaga iyo dadkaagaba sida uu doono haka yeello, taasna annaga ayaa Soomaaliyeey isku keenaye Ogaada.

Teaser Image Ciidamo hor leh oo Keyaan ah ayaa soo buux dhaafiyay halka loo yaqaano Xaar Xaarka

Wararka naga soo gaaraya meesha lagu magacaabo Xaar xaarka oo 7km u jirta degmada Dhoobley ee gobbolka Jubbada Hoose oo ah xadka Kenya iyo Soomaaliya laakiin dhul ahaan ay Soomaalidu leeyihiin ayaa waxaa soo buux dhaafiyay ciidamo Kenyaan ah oo aad u fara badan islamarkaana aa du qalabeysan oo wata gaadiidka kala duwan ee dagaalka, Taangiyo iyo hub casri ah.

Diyaarado Helicoptero ah oo ay Kenya leedahay ayaa ciidamadaasi waxaa ay ka soo daabulayaan gudaha dalka Kenya iyagoona ku soo daadinayo gudaha dalka Soomaaliya.

Inkastoo aan war rasmi ah laga haynin u halka ay ciidamadaan ku wajahanyihiin ayaa haddana warar soo baxaya waxaa ay soo sheegayaan in ciidamadaan ay yihiin ciidamadii dheeraadka ahaa ee ay dhawaan shaacisay dowladda Kenya inay ku biirineyso kuwa AMISOM ee howlgalka ka wada gudaha Soomaaliya.

Warar kale oo aan ka helnay Dhoobley ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamadaan ay yihiin kuwa looga tala galay inay qabtaan deegaanada ay Al shabab ka arrimiyaan ee gobbolada Jubbooyinka ka tirsan, waxaana la sheegay in ciidamadaan loo kala qeybin doono difaacda Badhaadhe iyo Afmadow oo la isku hor fadhiyo.

16-kii bishii October ee sanadkii tagay ayay ahayd markii ciidamada Kenya ay sida sharci darada ah ay ku soo galeen gudaha dalka Soomaaliya  iyadoo ku maraamarsiyooneysa inay kooxda Shabaabka ay falal amaan dara ah ay ka geysteen gudaha dalka Kenya taasoo ah been abuur cad.

Soomaaliyeey Toosoo Kaca waad Qalibanrteen Dalkiina Dhacsada.

Warbixin - Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

 

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top