Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 21 February 2012 08:30

Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu laayay magaalada Baladweyne

Baladweyne (Keydmedia) - Qarax weyn oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa saakay lagula beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ee Baladweyne.

Miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa lagu qarxiyey Ciidamo ku lugeynayey wadada u dhaxeysa xaafadaha Ajabka iyo Buundada.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaasha, qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas fara badan furay ciidamada Itoobiyaanka, kuwaasi oo la xaqiijiyey in ay kaga dhinteen askar aan la hubin tiradood.

Qaraxa kadib ayaa la xiray Xaafada Ajabka.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay maalin kadib marki ay ciidamada Itoobiya ka qafiifiyeen dadka reer Baladweyne bandoow iyo cadaadiski ay saari jireen.

Tan iyo marki ay soo galeen Baladweyne maalinti ugu danbeysay ee sanadki 2011, waxaa jiray qaraxyo lala beegsanayey oo uu ugu weynaa qarax ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday dhamaadbi bishi hore.

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top