Ciidamo ka tirsan Dawladda oo Tababar loogu soo Gaba Gabeeyay Dalka Ugaandha
Muqdisho (KON) - Iyadoo dhawaan Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Bihaangga Tababar Milaterinimo loogu soo gaba gabeeyay Shan Boqol oo Askeri oo ka tirsan Ciidamada Milateriga Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Wasiirka gaashaan dhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay Tababarkooda oo muddo Lix Bilood ah ay u joogeen Dalka Ugandha uu haatan u soo gaba gaboobay isla markaana la filayo in dhawaan ay dib ugu soo laabtaan Dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamadaasu marka ay soo gaaraan gudaha dalka Soomaaliya in loo furi doono Tababar wacyi gelin ah oo muddo shan iyo afartan Casha ah.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ciidankan ay ka qayb qaada doonaa sugidda ammaanka iyo dib u soo celinta Dawladnimadii Soomaaliya lagu yaqaanay.
Fiqi ayaa hoosta ka Xarriiqay in Ciidamadaasi dhamaanba loo diyaariyay Mushaaraadkooda. Raashiinkooda iyo Daryeelkoodaba isagoona meesha ka saaray inaan la ilaabi doonin daryeelka Ciidanka iyo Xuquudoodaba.
Wasiirka ayaa intaa raaciyay in tababarkan ay gacan ka gaysteen dawladaha Midowga Yurub iyo Maraykanka oo qudhiisa gacan ku lahaa Tababarka Ciidankaas.
Dalka Ugandha ayaa waxaa ku taala Xero Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya Xeradaas oo lagu magacaabo Bihaanka halkaasoo dhowr Dufcadood oo Ciidamada ahi ay hore Tababaro ugu soo qaateen Ciidamo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.
Wadanka
Share this page
More News
- Idiris X.Faarax Oo Laga Waraystay Fadeexadii Cunto Karinta Faroole Iyo Wiilkiisa
- Mooshinkii looga soo horjeeday Xukumada oo la joojiyay
- R/wasaare Saacid oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika
- Midowga Yurub oo bixinaya Malaayiin Dollar oo lagu dagaalo Burcad-badeeda
- Kulan looga soo horjeeday Faroole oo ka dhacay G/Bari
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.