Suuqa Xamar Weyne oo Gubanaayo
Muqdisho (Keydmedia) - Waxaa Daqiiqadaan holcaayo Dab xoog leh Suuqa Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.
Dabkan oo bilowday salaadi Maqrib kadib ayaanan la ogeyn waxa sababay, waxaana uu xoogiisa ka socdaa agagaarka masaajidka Marwaas iyo dhismooyinka ganacsi ee ku dhaw dhaw.
Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne C/laahi Sahal Gardhuub oo la hadla goor dhaweyd warbaahinta ayaa ka codsaday dowlada KMG Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo ciidamada AMISOM in ay usoo gurmadaan suuqa si dabka loo damiyo.
Dabka ayaa wali hurayo, waxaana uu mar hore leefay dhismooyin ganacsi oo la rumeysanyahay in ay ku jirtay hanti fara badan, waxaana hada soconayo gurmad xoog leh, iyadoo amaankana ay sugayaan ciidamada dowlada.
Dad badan ayaa hada ku sugan oo u badan ganacsato, waxaanan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabka.
Keydmedia News Desk - Muqdisho
More News
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
- Cameron: Ma Qorsheyneyno Aqoonsi Somaliland
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.