Dab qasaare Qaystay oo ka kacay Kaamka Buulo Carafaad ee Koofurta Galkacyo
Gaalkacyo (KON) - Xero ay deggan yihiin dadka soo barakacay oo lagu magacaabo Buulo-carafaat kuna taala Koofurta Magaalada Galkacyo ayaa Xalay Dab ka kacay, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaaro badan.
Dabkaan ayaa Toddobo carruur ah ku dhaawacantay, 70 aqalna way ku bas beeleen.
Lama oga sababta ka denbaysay in dab ka dhasho Xerada Balse sida Wararku sheegayaan wuxuu ka dhashay Burjiko ay isticmaalayen dadka Xerada kadib kolkii ay Dabayl xoogan ku dhufatay kaamka .
Isla Xalay ayaa lagu guulaystay in la damiyo dabka, kaddib markii ay xerada soo gaareen gawaarida dab damiska ee Galmudug.
Guddoomiyaha Kamkaan ayaa ka codsatay Hay’adaha Samafalka in ay ka taageeraan Dadkaan khasaaraha soo gaaray.
Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo
Share this page
More News
- Gobolka Banaadir oo ka hadlay Werarkii UNDP iyo Meydadkii Kooxda
- Kooxo kala taageera X.Dahir, Rooboow iyo Godane oo 16 iska Dilay
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.