Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Saturday 20 June 2015 09:41

Dagaal ka dhacay Degmada Afgooye & Sarkaal kamid ah Nabad Sugida oo la dilay

Afgooye (KON) - Dagaal Culus oo u dhaxeeya Kooxda Al shabaab & Ciidanka Dowladda FS ayaa wuxuu ka dhacay Xalay Degmada Afgooye, ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo hadda xarun u ah Maamulka Shariif Xasan.

Teaser Image Dagaal ka dhacay Degmada Afgooye & Sarkaal kamid ah Nabad Sugida oo la dilay

Wararka ayaa sheegaya  in Al-shabaab ay in ka badan Hal Saac ka dagaallamayeen halka loo yaqaano Mukayka Degmada Afgooye oo fariisin u ah Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al shabaab ayaa u suurta gashay in Mudo kooban ay la wareegaan Fariisnka Ciidanka markii ay ku awood roonaadeen Dagaalka, waxaana la sheegayaa in Gaadiid halkaasi yaallay ay qaateen markii ay ka baxeen.

Ciidamo ka tagay Koontaroolka Baar Ismaaciil ayaa gurmad ahaan halkaasi u tagay, waxaana ugu dambeyntii dib u celiyeen Al-shabaab.

Dhinaca kale, Iska Horimaad u dhaxeeya Ciidan kawada tirsan DFS ayaa lagu dilay Taliyihii Nabad Sugida Degmada Afgooye oo lagu magacaabi jirayLiibaan Abukar Yuuyuu, iyadoo 3 kale oo isaga ilaalou ahaydna lagu dhaawacay.

Liibaan Abukar Yuuyuu ayaa u dhintay Xalay Dhaawac Culus oo kasoo gaarey Weerarkii Shalay lagu qaaday Gaarigiisa.

Dagaalka Labada Ciidan ayaa salka ku haya Muran ka taagan Isbaarooyinka yaalla Degmada & Banaankeeda oo la sheegay inay dhigteen Ciidana Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top