DEG DEG:- Qarax ka dhacay Jowhar
Muqdisho (KON) - Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay ka dib markii goor dhow uu qarax ka dhacay magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe.
Qaraxaan ayaa wuxuu ahaa sida la sheegay mid dhulka ku aasnaa wuxuuna ka dhacay Buundada kala qaybisa magaalada Jowhar, iyadoona aysan jirin wax askar ah oo xiligaasi goobta ku sugnaa.
Wararka ayaa sheegaya qofka dhaawacmay in uu ahaa qof shacab ah oo xiligaasi marayay Buundada,iyadoona aanan la ogayn sababta ka danbaysay qaraxaan iyo u jeedada laga lahaa.
Jowhar ayaa maalin ka hor waxaa laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab oo dadka ku nool magaaladaasi mudo badan caburin ku haayay, waxaana haatan magaaladaasi ay ku jirtaa gacanta dowlada Soomaaliya.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
- Qarax Ciidamada Kenya lagula eegtay Kismaayo
- Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/hoose
- Ciidamada Iftiin Baasto oo Howlgallo ka wadaan xaafadaha ay Kismaayo ka maamulaan
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.