DEG DEG:- Wasiirka difaaca iyo saraakiil kale oo gaaray Jowhar
Muqdisho (KON) Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa goor dhow waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.
Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya taliyaha ciidamada XDS, taliyaha howlgalka ciidamada AMISOM saraakiil ciidan iyo Saraakiil kale.
Safarka wasiirka ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii magaaladaasi shalay ay la wareegeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM oo ka saaray Al-Shabaab.
Waxaa lagu wadaa masuuliyiintaan in ay la kulmaan maamulka gobalka iyo waliba dadka deegaanka ee magaalada Jowhar isla markaana ay kala hadlaan isbadalka ku yimid maamulka gobalkaas.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Galmudug oo Cambaareysay Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada RW Saacid
- Maamulka G/Banaadir la kulmay Hay’adaha Mashaariicda ka wada Muqdisho
- Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya caalamka oo dalka leesugu keenayo
- Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay Shabeelaha Dhexe
- Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.