Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 5 December 2012 14:40

Dowlada Soomaaliya oo si kulul kaga jawaabtay Madaafiic lagu garaacay Muqdisho

Moqadisho, (KON) - Kulan ay isugu yimaadeen R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiiro ayaa wuxuu ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kaasi oo ka danbeeyay ka dib markii habeenkii xalay la duqeeyay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Teaser Image Dowlada Soomaaliya oo si kulul kaga jawaabtay Madaafiic lagu garaacay Muqdisho

R/wasaaraha Soomaaliya Cabi Faarax Shirdoon oo ka hadlay kulanka ayaa wuxuu sheegay in ay aad kaga xunyihiin khasaaraha soo gaaray Dadka Shacab ah ee ka dhashay duqayntaan.

“Dowlada Soomaaliya ma ogolaanayso in la duqeeyo Magaalada Muqdisho iyo waliba Dadka Shacab ah ee ku sugan Caasimada Soomaaliya”sidaasi waxaa yiri R/wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa asna dhankiisa wuxuu sheegay inaysan jirin cid laga ogolaanayo in Amaanka Muqdisho ay amaan daro ka samayso.

Madaafiic aanan lagaranaynin cida ka danbaysa ayaa waxaa xalay lagu garaacay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana duqayntaasi ku waxyeeloobay Dad Shacab ah oo aanan waxba galabsan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho



Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top