Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 25 April 2012 10:39

Degmada Baladxaawo oo Bandow Habeenkii ah lagu soo rogay

Kismaayo (Keydmedia) - Maamulka degmada Baladxaawo ee gobbolka Gedo ee dowladda TFG-da ayaa Bandow xiliyada habeenkii ah ku soo rogay magaalada kadib markii ay soo if baxeen warar sheegaya in Maleeshiyaadka Shabaabka ay weerar ku yihiin degmada Baladxaawo.

Teaser Image Degmada Baladxaawo oo Bandow Habeenkii ah lagu soo rogay

Bandowgaan uu Maamulka Baladxaawo magaalada ku soo rogay ayaa bilaan doona laga bilaaba caawa 8:00pm fiidnimo.

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Shabaabka oo ka soo ruqaansaday deegaanka 60km u jira magaalada Baladxaawo ayaa soo dul degay duleedka magaalada kuwaasoo laga cabsi qabo inay dagaal ku qaadaan degmada Baladxaawo oo ay Maamulaan TFG-da iyo kooxda Ahlu sunna.

Ciidamada TFG-da iyo kuwa Ahlu sunna ee Baladxaawo ku suggan ayaa heegan buuxa la galiyay, ayadoona ciidamadu ay aad u baarayaan xaafadaha iyo xarumaha ganacsi ee magaalada ku yaala.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top