“Dembiga Wariyaha waa la sooo cadeeyay” - Dacwadda Weriye Cabdicasiis Koronto
Muqdisho (KON) - Wariye Cabdicasiis iyo afar shakhsi oo kale oo la eedeysan ayaa la filayaa in manta Dhagaysiga dacwadooda ay ka furanto Xarunta Maxkamadda sare ee Magaalada Muqdisho
Cabdicasiis Koronto oo ay Laanta barista Denbiyadu CID ay xabsiga dhigtay Tobankii Bishii janawery ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu ka shaqeeyay Fal fadeexeyn ah oo been abuur ah ka gadaal markii uu sheegay Haweeney iyaduna xiran kuna andacoonaysey in ay Kufsi u gaysteen Askar ka Tirsan Ciidamada dawladda.
Wariyaha oo dacwadiisu muddo dheer soo jiitamaysey ayaa maalinimadii Arbacadii aan soo dhaafnay dib loo dhigay ka gadaal markii ay sidaa codsadeen qareenada u doodaya Wariyaha
Dhanka kale Wasiirka garsoorka dawlada federaalka C/laahi Abyan Nuur oo shalay la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in dambiga loo cadeeyay Wariyaha "Markii hore eedeymo ayay ahaayeen laakiin hadda dembiga wariyaha waa la sooo cadeeyay”.
Hay’adda Xuquul Insaanka iyo Ururka Suxufiyiinta qaranka ayaa mudaba waxa ay codsanayeen in wariyahaas cadaaladda la hor keeno iyadoo sidoo kalena arrinta wariyaha ay ka hadleen mas;uulyiinta ugu sareysa ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Si kastaba Go’aanka Maxkamadda iyo Halka ay Dacwaddu isugu biya Shubataba waxaanu idinkugu soo gudbin doonaa wararkayaga soo socda.
Wadanka / Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Share this page
More News
- Video: Siyaasiin Soomaali ah oo ku cadaadiyay Dawlada Norway inay… // Daawo
- IGAD: Wixii Kismaayo ka dhacay waa Sharci daro | Dowladda ha looga danbeeyo -Warbixin
- Waa kuma Ninka Askariga Ingiriiskaa London ku Dilay? Warbixin
- R/wasaare Saacid oo ka hadlay Dhaqaalo soogaaray dowlada
- Obama oo ka hadlay Dagaalka lagula jiro Al-Qaacida
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.